Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 7: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 7: THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 107aad: Doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa kulan wadajir ah ku dooranaya labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.

(2) Ugu yaraan saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha gole walba ee Baarlamaanka Federaalku waa inay joogaan u codaynta doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka.

(3) Musharraxa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa musharraxnimadiisa soojeedin kara saddexda xisbi siyaasadeed ee ka mid ka ah xisbiyada qaran ee dalka, kuwaas oo helay tirada ugu badan ee xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, wuxuuna barnaamijkiisa ku soo bandhigayaa kulanka wadajirka ah ee labada gole ee Baarlamaanka Federaalka.

(4) Marka loo codaynayo doorashada Madaxweynaha Jamhuuriyadda xildhibaan kasta wuxuu leeyahay hal cod.

(5) Labada gole ee Baarlamaanka Federaalka waxay ku dooranayaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda hab codayn qarsoodi ah, iyadoo la raacayo habraaca soo socda: (a) Wareegga koowaad musharraxii hela aqlabiyad boqolkiiba konton iyo haldheeri (50%+1) ah tirada guud ee xubnaha labada gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa ku guulaysanaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Haddii la waayo musharrax guulaysta, waxaa loo gudbayaa wareeg labaad. (b) Wareegga labaad waxaa u soo gudbaya labada musharrax ee ugu codka badan wareeggii koowaad, haddiise uu jiro musharrax saddexaad oo helay codad barbardhac ah wuxuu xaq u leeyahay in uu ka gaybgalo una gudbo tartanka doorashada wareegga labaad. Musharraxii hela cod aqlabiyad boqolkiiba konton iyo haldheeri (50%+1) ah tirada guud ee xubnaha labada gole ayaa ku guuleysanaya in uu noqdo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa si wadajir ah u dooranaya Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare. Si doorashadu u qabsoonto, ugu yaraan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee xubnaha gole kasta waa inay joogaan. Musharraxa Madaxweynaha waxaa soo magacaabi kara saddexda xisbi siyaasadeed ee qaran ee helay tirada ugu badan ee xildhibaannada labada gole ee Baarlamaanka Federaalka. Musharraxu wuxuu barnaamijkiisa siyaasadeed ku soo bandhigayaa kulanka wadajirka ah ee labada gole. Xildhibaan kasta wuxuu leeyahay hal cod. Doorashada waxaa lagu qabtaa cod qarsoodi ah. Wareegga koowaad, musharraxa hela ugu yaraan 50% iyo hal cod dheeraad ah marka loo eego tirada guud ee xubnaha labada gole ayaa ku guulaysanaya. Haddii aanu musharraxna helin codadkaas, waxaa la gelayaa wareegga labaad. Wareegga labaad waxaa u gudbaya labada musharrax ee ugu codka badan wareeggii koowaad. Haddii musharrax saddexaad uu codad la barbar dhigo musharraxiinta u gudbaya wareegga labaad, isaguna wuxuu xaq u leeyahay inuu wareeggaas ka qayb galo. Musharraxa hela ugu yaraan 50% iyo hal cod dheeraad ah tirada guud ee xubnaha labada gole ayaa loo dooranayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)