Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 7: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 7: THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 110aad: Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Awoodaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa ka mid ah:

(1) Wuxuu magacaabaa Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

(2) Waa Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida.

(3) Wuxuu magacaabaa xilkana ka qaadaa, kaddib marka ay soo dhammaadaan habraacyada kale si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, xilalka soo socda: (a) Danjireyaasha iyo Qunsuliyadaha Guud; (b) Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka; Ciidanka Booliiska; Ciidanka Asluubta iyo Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka; (c) Guddiyada iyo hay'adaha madaxabannaan; iyo (d) Xilalka kale ee lagu xeeriyay Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(4) Wuxuu magacaabaa xilkana ka qaadaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka kaddib soojeedinta Golaha Sare ee Garsoorka, si waafaqsan Qodobka 138(4)(a) ee Cutubka 9aad ee Dastuurka iyo xeerarka Dawladda Federaalka Soomaaliya.

(5) Wuxuu qaabbilaa, warqadaha aqoonsigana ka guddoomaa diblomaasiyiinta iyo wakiillada dalalka shisheeye.

(6) Wuxuu saxiixaa, celin karaana hindise xeereedyada uu u soo ansixiyo Baarlamaanka Federaalka si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka.

(7) Wuxuu saxiixaa heshiisyada caalamiga ah ee uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

(8) Wuxuu ku dhawaaga xaalad dagaal ama mid degdeg ah si waafaqsan Qodobbada 187aad iyo 188aad ee Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(9) Wuxuu iskugu yeeraa shir aan caadi ahayn ee goleyaasha baarlamaanka mar kasta oo ay jiraan sababo muhlim ah.

(10) Wuxuu bixiyaa abaalmarinta xushmadda qaranka.

(11) Wuxuu cafis u fidiyaa ama ciqaab ka dhimaa dembiilayaal marka uu u soo gudbiyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka si waafaqsan habraacyada ku xusan Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(12) Wuxuu fuliyaa dhammaan awoodaha kale ee Dastuurka iyo xeerarka dalku ay siiyaan.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awoodaha dastuuriga ah ee soo socda. Wuxuu magacaabaa Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka, wuxuuna yahay Taliyaha Guud ee Ciidammada Qalabka Sida. Wuxuu magacaabaa xilalka qaarkood, xilalkana wuu ka qaadi karaa marka la dhammeeyo habraacyada sharciyeed ee looga baahan yahay. Xilalkaas waxaa ka mid ah danjireyaasha iyo qunsullada guud, taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Asluubta, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, iyo madaxda guddiyada iyo hay’adaha madaxabannaan. Wuxuu sidoo kale magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka iyo Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka, isagoo raacaya soo jeedinta Golaha Sare ee Garsoorka iyo habraacyada Dastuurka. Madaxweynuhu wuxuu qaabbilaa diblomaasiyiinta iyo wakiillada dalalka shisheeye, wuxuuna ka guddoonaa waraaqahooda aqoonsiga. Wuxuu saxiixaa hindise-sharciyeedyada uu Baarlamaanku ansixiyo, ama dib ugu celiyaa Baarlamaanka si waafaqsan habraaca Dastuurka. Waxa kale oo uu saxiixaa heshiisyada caalamiga ah ee Baarlamaanka Federaalku ansixiyo. Marka la buuxiyo shuruudaha dastuuriga ah, Madaxweynuhu wuxuu ku dhawaaqi karaa xaalad dagaal ama xaalad degdeg ah, wuxuuna isugu yeeri karaa labada gole ee Baarlamaanka kulan aan caadi ahayn haddii ay jiraan sababo muhiim ah. Madaxweynuhu wuxuu bixiyaa abaalmarinnada sharafta qaranka. Waxa kale oo uu dembiilayaasha u fidin karaa cafis ama ka dhimi karaa ciqaabtooda, iyadoo la raacayo habraacyada Dastuurka iyo shuruucda dalka. Intaas waxaa dheer, Madaxweynuhu wuxuu gudanayaa awood kasta oo kale oo Dastuurka iyo shuruucda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u xilsaaran.
English

Not available.

Questions & Comments (0)