Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 7: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 7: THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 109aad: Xasaanadda Madaxweynaha

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu leeyahay xasaanad inta uu xilka hayo lamana maxkamadayn karo.

(2) Madaxweynaha laguma maxkamadayn karo gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah marka uu xilka ka dego, haddil uusan gelin gabboodfal la xiriira xuquuqda aadanaha.

(3) Madaxweyne kasta oo xilka banneeya si nabad iyo dimuquraadi ah wuxuu xaq u leeyahay maamuus khaas ah oo lagu xusayo xeer gaar ah uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka, haddii aanu xilka ku bannayn maamuus kaxayuubin waafaqsan Dastuurka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay xasaanad inta uu xilka hayo, sidaas darteed muddadaas lama maxkamadayn karo. Marka uu xilka ka dego, Madaxweynaha laguma maxkamadayn karo falalka uu ku sameeyey gudashada waajibaadkiisa dastuuriga ah, marka laga reebo haddii uu galay gabboodfal la xiriira xuquuqda aadanaha. Madaxweyne si nabad ah oo dimuqraadi ah xilka uga dega wuxuu xaq u leeyahay maamuus gaar ah oo lagu qeexayo sharci uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo. Xuquuqdan ma khusayso Madaxweynaha xilka looga qaaday habka maamuus-ka-xayuubinta ee Dastuurku dhigayo.
English

Not available.

Questions & Comments (0)