Qodobka 111aad: Soo Saarista Digreetooyinka
(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu soo saaraa digreetooyin iyo amarro khuseeya awoodaha u gaarka ah Dawladda Federaalka.
(2) Digreetooyinka iyo amarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ka dhaqangalayaan guud ahaan geyiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(3) Digreetooyinka iyo amarrada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa in aysan ka hor imaan Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka federaalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
