Qodobka 108aad: Dhaarta Madaxweynaha
(1) Madaxweynaha ku guuleysta doorashada waxaa dhaarinaya Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Federaalka marka lagu dhawaaqo natiijada doorashada, wuxuuna marayaa dhaartan: "Aniga oo ah ____________________________________, waxaan ku dhaaranayaa magaca llaahay inaan xilkayga u guto si daacad ah oo danta dalka, dadka iyo diintu ku jirto, ilaaliyo, dhawro, una hoggaansamo Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale oo dalka u yaalla; difaacana madaxbannaanida, gobannimada iyo midnimada dalka; iyo inaan dadka Soomaaliyeed ku hoggaamiyo sinnaan, caddaalad iyo hufnaan".
(2) Madaxweynaha la doortay wuxuu xafiiska kula wareegayaa muddo shan iyo toban (15) maalmood gudahood ah kaddib markii lagu dhawaaqo natiijada kamadambaysta ah ee doorashada Madaxweynaha.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
