Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 7: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 7: THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 106aad: Shuruudaha Doorashada Xilka Madaxweynaha

(1) Xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa loo dooran karaa qof kasta oo buuxiya shuruudaha soo socda: (a) Muwaaddin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Muslim ah; (b) Labadiisa waalid ay yihiin muwaaddiniin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (c) Da'diisu aanay ka yarayn afartan (40) sano maalinta doorashada; (d) Aqoontiisa ay gaarsiisantahay heer jaamacadeed oo la aqoonsanyahay iyo waaya-aragnimo hoggaamineed oo aan ka yarayn shan iyo toban (15) sano; (e) Dhimirkiisu dhanyahay, horayna aan dhakhtar si rasmi ah ugu caddayn xanuun dhimirka ah; (f) Gelin faldembiyeed culus oo ay maxkamad awood u leh ugu xukuntay xukun si kamadambays ah; (g) In uu ku noolaa/degganaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya muddo aan ka yarayn shan (5) sano; (h) Qabin xaas ajnabi ah; (i) In lagu yaqaan dhaqan suubban bulshada dhaxdeeda; (j) In aan horay loogu samayn maamuus kaxayuubin jagada madaxweynennimo; (k) In musharraxa haysta jinsiyad dal kale uu caddeeyo ka noqoshada jinsiyaddaas haddii uu ku guulaysto xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; İyo (I) In uu caddeeyo hantida uu leeyahay uguna gudbiyo hab qoraal ah Xafliska Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(2) Musharraxa madaxweynaha waxaa soo gudbinaya xisbi siyaasadeed ama isbahaysi xisbiyo siyaasadeed.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qofka u tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed oo Muslim ah, labada waalidna ay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed. Waa inuu ugu yaraan 40 sano jir yahay maalinta doorashada, haystaa shahaado jaamacadeed oo la aqoonsan yahay, isla markaana leeyahay waayo-aragnimo hoggaamineed oo aan ka yarayn 15 sano. Musharraxu waa inuu dhimir ahaan caafimaad qabo, uusan hore dhakhtar ugu xaqiijin xanuun dhimirka ah, isla markaana uusan gelin dembi culus oo ay maxkamad awood u leh si kama dambays ah ugu xukuntay. Waa inuu sidoo kale Soomaaliya ku noolaa ugu yaraan shan sano, uusan qabin xaas ajnabi ah, bulshada dhexdeedana lagu yaqaan dhaqan suubban. Qof hore xilka Madaxweynaha looga qaaday habka maamuus-ka-xayuubinta uma tartami karo xilkan. Haddii musharraxu haysto jinsiyad dal kale, waa inuu caddeeyaa inuu ka tanaasulayo jinsiyaddaas haddii loo doorto Madaxweynaha. Sidoo kale, waa inuu hantidiisa ku caddeeyaa qoraal una gudbiyaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Musharraxa Madaxweynaha waxaa soo magacaabaya xisbi siyaasadeed ama isbahaysi xisbiyo siyaasadeed.
English

Not available.

Questions & Comments (0)