Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 7: MADAXWEYNAHA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 7: THE PRESIDENT OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 105aad: Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

(1) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa: (a) Madaxa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (b) Astaanta midnimada garanka; iyo (c) llaaliyaha iyo horumariyaha Dastuurka.

(2) Madaxweynaha wuxuu matalaa Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya gudaha iyo dibaddaba.

(3) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa in uu u gutaa waajibaadkiisa si waafaqsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa madaxa dalka, wuxuuna astaan u yahay midnimada qaranka. Waxa kale oo uu mas’uul ka yahay ilaalinta iyo horumarinta Dastuurka. Madaxweynuhu wuxuu Soomaaliya ku matalaa gudaha dalka iyo xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah. Waajibaadkiisa waa inuu u guto si waafaqsan Shareecada Islaamka, Dastuurka iyo shuruucda kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
English

Not available.

Questions & Comments (0)