Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Xeerdejinta Baarlamaanka
Somali (Original)

Qodobka 104aad: Durid Xeer

(1) Xeer maray habraaca xeerdejinta xeerarka iyo dhaqangeliddaba waxaa lagu duri karaa oo keliya inuu ka soo horjeedo Shareecada Islaamka, Dastuurka Jamhuuriiyadda Federaalka iyo danta qaranka.

(2) Xeer maray habraaca ku xusan cutubkan waxaa duriddiisa soojeedin kara: (a) Golaha Aqalka Sare ama xildhibaannada hal dawlad goboleed ku matala Golaha Aqalka Sare; (b) Saddex meelood meel (2/3) ka mid ah xildhibaannada Golaha Shacabka; (c) Golaha wasiirrada; ama (d) Ugu yaraan shan kun (5,000) qof oo buuxiyay shuruudaha cod bixiye.

(3) Duridda xeer si waafaqsan fagradaha laad iyo Zaad ee qodobkan waxaa la horgeyn karaa, go'aanna ka gaari karta Maxkamadda Dastuurka oo keliya.

(4) Haddii maxkamaddu ay jebiso soojeedinta duridda xeerka, kharashka ku baxay waxaa bixinaya dhinacil hindisaha duridda maxkamadda horkeenay.

(5) Habraaca loo marayo duridda iyo go'aan ka gaarista waa in lagu qeexaa Xeerka Nidaamka Garsoorka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Sharci soo maray dhammaan habraacyada sharci-dejinta iyo dhaqan-gelinta waxaa lagu murmi karaa oo keliya iyadoo lagu salaynayo inuu ka hor imanayo Shareecada Islaamka, Dastuurka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama danta qaranka. Soo jeedinta lagu muransan yahay sharciga waxaa keeni kara Golaha Aqalka Sare ama xildhibaannada hal dowlad-goboleed ku matala Golaha Aqalka Sare, saddex meelood laba meel (2/3) xubnaha Golaha Shacabka sida qoraalku dhigayo, Golaha Wasiirrada, ama ugu yaraan 5,000 oo qof oo buuxiyey shuruudaha codbixinta. Maxkamadda Dastuurka oo keliya ayaa qaabili karta, kana go’aan gaari karta muranka ku saabsan sharciga iyadoo la raacayo habraaca Dastuurka. Haddii Maxkamaddu diiddo soo jeedinta lagu muransan yahay, dhinicii arrinta maxkamadda geeyey ayaa bixinaya kharashaadka ku baxay dacwadda. Habraaca loo raacayo muranka iyo go’aan ka gaaristiisa waxaa lagu faahfaahinayaa Xeerka Nidaamka Garsoorka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)