Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 6: BAARLAMAANKA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 6: THE FEDERAL PARLIAMENT OF SOMALIA)
Madaxa Afaraad: Xeerdejinta Baarlamaanka
Somali (Original)

Qodobka 103aad: Dhagangalidda Xeerarka

(1) Xeer kasta oo uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalku waa in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku saxiixaa ama ku diidaa muddo soddon (30) maalmood gudahood ah, oo ka billaabanaysa maalinta loo gudbiyo.

(2) Madaxweynuhu haddii uu saxlixi waayo xeerka Baarlamaanku ansixiyay, waa inuu ku soo celiyaa golihii u soo gudbiyay xeerka muddada ku xusan fagradda laad ee qodobkan, asagoo sababaynaya.

(3) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haddii uu ku saxiixi waayo xeerka ama ku soo celinwaayo muddo soddon (30) maalmood gudahood ah golihii u soo gudbiyay sabab la'aan, xeerku wuxuu noqonayaa mid dhaqangal ah laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda.

(4) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya haddii uu soo celiyo xeerka si waafaqsan faqradda Zaad ee qodobkan, gole kasta ee Baarlamaanka Federaalka ah wuxuu ku oggolaan karaa soojeedinta Madaxweynaha aglabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) ah ama wuxuu ku diidi karaa aqlabiyad saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha golahaas. Markaas, waa in Madaxweynuhu muddo shan iyo toban (15) maalmood gudahood ah ku saxiixaa hindise xeereedkaas. Haddiise uu Madaxweynuhu ku guuldarraysto inuu ku saxiixo muddadaas, xeerku wuxuu isla markiiba noqonayaa mid dhaqangal ah waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah.

(5) Garyaqaanka Guud ee Dawladda waa in uu min hal nuqul oo asal ah Madaxweynuhuna saxiixay u diraa xoghayeyaasha labada gole si ay u hubiyaan in nuqalka loo dirayo Faafinta Rasmiga ah uu la mid yahay nuqulkii asalka ahaa oo goluhu ansixiyay una diray Xafiiska Madaxweynaha.

(6) Xeer kasta uu Madaxweynaha saxiixo si waafaqsan Dastuurka, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah ee Jamhuuriyadda, wuxuu dhaqangal noqonayaa shan iyo toban (15) maalmood kaddib oo laga billaabo maalinta xeerka lagu soo saaray Faafinta Rasmiga ah ee jamhuuriyadda, haddii uusan xeerkaas si kale u sheegin.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Sharci kasta oo uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa in Madaxweynaha Jamhuuriyaddu ku saxiixo ama ku diido muddo 30 maalmood gudahood ah laga bilaabo maalinta loo gudbiyo. Haddii uu diido, waa inuu muddadaas gudaheeda dib ugu celiyaa golihii soo gudbiyey, isagoo qoraal ku caddeynaya sababaha diidmada. Haddii Madaxweynuhu uusan sharciga saxiixin ama dib u celin muddo 30 maalmood ah gudahood, isaga oo aan sabab u sheegin, sharcigu wuxuu noqonayaa mid dhaqan-gal ah, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah. Haddii Madaxweynuhu sharciga dib ugu celiyo Baarlamaanka, golaha ay khusayso wuxuu go’aamin karaa inuu aqbalo soo jeedinta Madaxweynaha, isagoo helaya codad ka badan kala bar tirada guud ee xubnaha golaha (50% + 1), ama inuu diido soo jeedintaas, isagoo helaya codadka ugu yaraan saddex meelood laba meel (2/3) tirada guud ee xubnaha golaha. Go’aankaas ka dib, Madaxweynaha waxaa waajib ku ah inuu sharciga saxiixo muddo 15 maalmood gudahood ah. Haddii uusan muddadaas saxiixin, sharcigu isla markiiba ayuu dhaqan-galayaa, waxaana lagu soo saarayaa Faafinta Rasmiga ah. Garyaqaanka Guud ee Dowladda Federaalka waa inuu nuqul asal ah oo uu Madaxweynuhu saxiixay u diraa xoghayeyaasha labada gole ee Baarlamaanka. Waxay hubinayaan in nuqulka loo dirayo Faafinta Rasmiga ah uu la mid yahay nuqulkii asalka ahaa ee Baarlamaanku ansixiyey una gudbiyey Madaxweynaha. Sharciga uu Madaxweynuhu saxiixo, laguna soo saaro Faafinta Rasmiga ah, wuxuu dhaqan-gelayaa 15 maalmood ka dib maalinta la daabacay, haddii sharciga laftiisu uusan waqti kale oo dhaqan-gal ah cayimin.
English

Not available.

Questions & Comments (0)