Dastuurka JFS
Home Blog Authors
CUTUBKA 1: BAAQA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 1: DECLARATION OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 8aad: Shacabka iyo Jinsiyadda

(1) Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed waa mid, lamana kala qaybin karo, wuxuuna ka koobanyahay dhammaan muwaaddiniinta.

(2) Jinsiyadda Soomaaliyeed waa mid qur ah, xeer gaar ah oo uu ansixiyo Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo keliya ayaa xaddidaya sida lagu helayo, lagu laalayo ama lagu waayayo.

(3) Qof leh jinsiyadda Soomaaliyeed wuxuu qaadan karaa jinsiyad dal kale, lagamana qaadi karo jinsiyadda Soomaaliyeed, lagumana qasbi karo in uu ka tago jinsiyadiisa kale.

(4) Diidmada, laalista iyo kaqaadista jinsiyadda laguma xiri karo asbaabo siyaasadeed.

English Unofficial

Article 8: The People and Citizenship

(1) The people of the Federal Republic of Somalia are one and indivisible, and comprise all citizens.

(2) Somali citizenship is a single citizenship, and only a specific law enacted by the Federal Parliament shall regulate the manner in which it may be acquired, suspended, or lost.

(3) A person who holds Somali citizenship may acquire the citizenship of another country, and may not be deprived of Somali citizenship or compelled to renounce their other citizenship.

(4) The denial, suspension, or deprivation of citizenship shall not be based on political grounds.

Plain-Language Explanation

Somali
Shacabka Soomaaliyeed waa hal bulsho oo aan la kala qaybin karin, waxayna ka kooban yihiin dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Jinsiyadda Soomaaliya waa mid keliya, waxaana sharci gaar ah oo uu Baarlamaanka Federaalku ansixiyo lagu go’aamiyaa sida loo helo, loo waayo ama loo laalo. Qofka haysta jinsiyadda Soomaaliyeed wuxuu sidoo kale qaadan karaa jinsiyadda dal kale, mana luminayo jinsiyadda Soomaaliyeed, mana lagu qasbi karo inuu ka tanaasulo jinsiyadda kale. Jinsiyadda looma diidi karo, lama laali karo, lagamana qaadi karo sababo siyaasadeed awgeed.
English
The Somali people are one united community and cannot be divided. They include all Somali citizens. Somali citizenship is one and is regulated by a specific law passed by the Federal Parliament, which determines how citizenship is obtained, lost, or revoked. A Somali citizen may also hold the citizenship of another country without losing Somali citizenship and cannot be forced to give up their other citizenship. Citizenship cannot be denied, revoked, or taken away for political reasons.

Questions & Comments (0)