Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 4: MATALAADDA SHACABKA
(CHAPTER 4: REPRESENTATION OF THE PEOPLE)
Madaxa Labaad: Doorashooyinka
(Part Two: Elections)
Somali (Original)

Qodobka 49aad: Hay'adaha Sida Tooska ah loo Dooranayo

(1) Hay'adaha dastuuriga ah oo muwaaddiniintu sida tooska ah u dooranayaan waa: (a) Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo ka kooban Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare; (b) Golaha Wakililada Dawlad Goboleedka; iyo (c) Golaha Degaanka ee Dawladaha Hoose.

(2) Xubnaha u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa cod qarsoodi ah oo madaxbannaan ku dooranaya muwaaddiniinta buuxiyey shuruudaha codbixiye.

(3) Xubnaha ku tartamaya kuraasta Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaa cod qarsoodi ah oo madaxbannaan ku dooranaya keliya muwaaddiniinta deggan dawlad goboleedka kuwaas oo buuxiyey shuruudaha codbixiye.

(4) Xubnaha ku tartamaya kuraasta Golaha Wakiillada ee Dawlad Goboleed kasta waxaa cod qarsoodi ah, oo madaxbannaan ku dooranaya muwaaddiniinta deggan dawlad goboleedkaas oo buuxiyey shuruudaha codbixiye.

(5) Goleyaasha degaanka waxaa cod qarsoodi ah oo madaxbannaan ku dooranaya muwaaddininta deggan degmooyinka oo buuxiyey shuruudaha codbixiye.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Muwaadiniinta Soomaaliyeed waxay si toos ah u dooranayaan xubnaha Golaha Shacabka iyo Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka, goleyaasha wakiillada dowlad-goboleedyada iyo goleyaasha deegaanka ee dowladaha hoose. Xubnaha Golaha Shacabka waxaa dooranaya muwaadiniinta buuxiya shuruudaha codbixinta. Xubnaha Golaha Aqalka Sare iyo goleyaasha wakiillada dowlad-goboleedyada waxaa dooranaya muwaadiniinta buuxiya shuruudaha codbixinta ee deggan dowlad-goboleedka ay khusayso. Sidoo kale, goleyaasha deegaanka waxaa dooranaya muwaadiniinta buuxiya shuruudaha codbixinta ee deggan degmada ay khusayso. Dhammaan doorashooyinkaas waa inay ku dhacaan cod qarsoodi ah oo xor ah, si muwaadiniintu ay wakiilladooda ugu doortaan si madaxbannaan.
English

Not available.

Questions & Comments (0)