Qodobka 172aad: Odoroska Miisaaniyadda
(1) Dawladda Federaalka waa inay sanad kasta Baarlamaanka Federaalka u soo gudbisaa miisaaniyad dhammaystiran oo qeexaysa dhammaan dakhliga iyo kharashka iyo daymaha la filayo ee sanad maaliyadeedka.
(2) Miisaaniyadda Dawladda Federaalka waa inay ku jirtaa qayb muujinaysa saamiga la siinayo dawlad goboleedyada.
(3) Miisaaniyadda Dawladda Federaalka waa in la horgeeyo baarlamaanka ugu yaraan labo (2) bilood ka hor inta aan sanad maaliyadeedku billaaban.
(4) Dawlad goboleed kasta waa inay sanad kasta golaha wakiillada dawlad goboleedka u soo gudbisaa miisaaniyad sanadle ah oo dhammaystiran, si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka federaalka.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
