Qodobka 113aad: Eedaynta İyo Maamuus Kaxayuubinta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaaika Soomaaliya
(1) Eedaynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa soojeedin kara Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya marka lagu eedeeyo mid ka mid ah arrimaha soo socda: (a) Khiyaano qaran; (b) Ku xadgudubka Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; ama (c) Xilgudasho la'aan joogta ah sababo maskaxeed ama jireed awgood oo uu si rasmi ah u caddeeyay dhakhtar caafimaad oo la aqoonsanyahay.
(2) Khiyaano qaran Dastuurka dhexdiisa waxaa loola jeeda: (a) Fal kasta oo lagu hor istaagayo ama lagu baabi'inayo ku dhaqanka iyo sarraynta mabaadi'da aasaasiga ah ee Dastuurka; (b) Fal kasta oo lid ku ah gobannimada, madaxbannaanida iyo midnimadda qaranka Soomaaliya; iyo (c) Daacad u noqoshada, gacansiinta iyo u basaasidda quwado shisheeye.
(3) Hindisaha soojeedinta eedaynta Madaxweynaha ee ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, waxaa baarlamaanka horkeeni kara ugu yaraan saddex meelood hal meel (1/3) tirada guud ee xubnaha gole kasta ee Baarlamaanka Federaalka, waxaana loo gudbinayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka kaas oo u diraya Maxkamadda Dastuurka si ay go'aan uga gaarto in eedeyntu ay sal leedahay.
(4) Haddii ay go'aamiso maxkamaddu inay eedayntu sal sharci leedahay, Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya waa inuu go'aan ka gaaraa eedaynta loo soojeediyey Madaxweynaha muddo aan ka badnayn soddon (30) maalmood oo ka billaabanaysa malinta la soo saaro go'aanka maxkamadda.
(5) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa uu sii gudanayaa waajibaadkiisa shaqo ilaa iyo inta baarlamaanku go'aan kamadambays ah ka gaarayo maamuus kaxayuubinta.
(6) Go'aanka eedaynta iyo maamuus kaxayuubinta Madaxweynaha waxaa uu ku hirgelayaa codayn garsoodi ah oo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha gole walba ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya. Guddoomiyaha kulankaasi ayaa ku dhawaaqaya go'aanka maamuus kaxayuubinta Madaxweynaha oo noqonaya mid kamadambeys ah.
(7) Haddii Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ansixiyo maamuus kaxayuubinta Madaxweynaha, si waafaqsan faqradda 6aad ee qodobkan, waxaa uu weynayaa xilklisa. Haddiise, la waayo codka saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xubnaha gole walba, Madaxweynuhu wuxuu sii wadanayaa muddo xileedklisa.
(8) Madaxweynuhu ma go'aamin karo doorasho ama afti dadweyne inta lagu gudajiro habraaca eedaynta iyo maamuus kaxayuubinta.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
