Qodobka 10aad: Karaamada Aadanaha
(1) Karaamada aadanuhu waa deeq Ilaahey Subxaanahu Watacaalaa ku mannaystay qof kasta oo bani'aadan ah, xuquuqda aadanuhuna deeqdaas ayay ka dhalataa.
(2) Karaamada aadanaha waa laguma xadgudbaan, dhawristeeduna waa waajib saaran dadka oo dhan.
(3) Awoodda dawladda waa in aan marnaba loo isticmaalin ku xadgudbidda karaamada aadanaha.
(4) Qofna lama addoonsan karo, xoogna looguma shaqeysan karo, lagamana ganacsan karo, shaqana laguma qasbi karo ujeeddo kasta ha laga lahaadee.
Article 10: Human Dignity
(1) Human dignity is a gift bestowed by Allah, Glorified and Exalted be He, upon every human being, and human rights derive from this gift.
(2) Human dignity is inviolable, and its protection is a duty incumbent upon all people.
(3) The powers of the State shall never be used to violate human dignity.
(4) No person may be enslaved, subjected to forced labour, trafficked, or compelled to work for any purpose whatsoever.