Qodobka 1aad: Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
(1) Soomaaliya waa Jamhuuriyad federaal ah, muslim sunni shaafici ah, lehna gobannimo ku saleysan caddaalad bulsho iyo sarraynta sharciga.
(2) Soomaaliya waa Jamhuuriyad dimuqraadi ah, oo ku dhisan matalaadda dadweynaha loo dhanyahay, kuna salaysan nidaam siyaasadeedka xisbiyada badan oo tixgelinaya kala duwanaanta afkaarta si waafaqsan Shareecada islaamka, Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(3) Allaahu Subxaanahu wa Tacaalaa (SWT) ka sokow, awoodda gobonnimada dalka waxaa iska leh shacbiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, asagoo awooddaas u isticmaalaya si toos ah ama si dadban, u adeegsanaya hay'adihiisa uu u xilsaartay, si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
(4) Waxaa reebban in qof ama qayb ka mid ah shacabka Jamhuuriyadda ay sheegato ama la wareegto xaqa lahaanshaha gobannimada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ama isticmaalkeeda si u gaar ah.
(5) Gobannimada, madaxbannaanida, midnimada qaranka, xuduudaha badeed iyo dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waa laguma xadgudbaan.
Article 1: Federal Republic of Somalia
(1) Somalia is a federal republic, Sunni Shafi’i Muslim, with sovereignty founded on social justice and the rule of law.
(2) Somalia is a democratic republic, founded on inclusive representation of the people and based on a multi-party political system that respects diversity of opinion in accordance with Islamic Sharia, the Constitution, and the laws of the Federal Republic of Somalia.
(3) Except for Allah, Glorified and Exalted is He (SWT), sovereign power belongs to the people of the Federal Republic of Somalia. The people shall exercise this power either directly or indirectly through the institutions entrusted with such authority, in accordance with the Constitution and the laws of the Federal Republic of Somalia.
(4) It is prohibited for any individual or any part of the people of the Republic to claim or assume ownership of the sovereignty of the Federal Republic of Somalia or to exercise it exclusively.
(5) The sovereignty, independence, national unity, and the territorial and maritime boundaries of the Federal Republic of Somalia are inviolable.
Plain-Language Explanation
Questions & Comments (2)
Ismail Haji
· 6 days agoQeybta faahfaahinta ee Af soomaaliga iyo ingiriiska aad uga helay masha Allah
Ahmed Ali
· 6 days agoFaqradaha qodobkan 1aad si fiican ayaa loo faahfaahiyey.