Qodobka 196aad: Daahfurnaan iyo Ka Qaybgal Dadweyne
(1) Dhammaan hindiseyaasha xeer, soojeedinnada iswaafajinta iyo wax-kabeddellada Dastuurka ee loo diyaarinayo si waafaqsan cutubkan waa in lala tashadaa dadweynaha si ay aragti uga dhiibtaan.
(2) Guddiga La socodku wuxuu xaqiijiyaa in Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka uu qabtay latashiyo dadweyne iyo wacyigelin, si loo xaqiijiyo daahfurnaanta.
(3) Aragtiyaha iyo soojeedimaha dadweynaha waa in la uruuriyaa isla markaana loo gudbiyaa Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyaga oo ay weheliso talooyinka muhiimka ah.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
