Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 14: DIFAACA IYO AMNIGA QARANKA
(CHAPTER 14: NATIONAL DEFENCE AND SECURITY)
Somali (Original)

Qodobka 178aad: Mabaadi’da Amniga Qaranka

(1) Amniga qaranku waa ka hortagga iyo maareynta khataraha gudaha iyo dibedda ee ku wajahan gobonnimada, madaxbannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, xasilloonida siyaasadeed iyo bulsho, nabadgelyada iyo caafimaadka guud, xasilloonida dhaqaale, badqabka deegaanka, khayraadka muhiimka ah, muwaaddiniinta iyo xuquuqdooda dastuuriga ah.

(2) Sugidda amniga qaranka waxaa loo maareynayaa si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u yaalla.

(3) Hay’adaha amniga ee qaranka waxaa kormeeraya oo la xisaabtamaya hay’adaha rayidka ah.

(4) Marka la xaqiijinayo danaha khuseeya amniga qaranka, waxaa la dhawrayaa mabaadi’da dastuuriga ah ee la xiriirta dimuqraadiyadda, nidaamka federaalka, talinta sharciga, xuquuqda aadanaha iyo badqabka dadka rayidka ah.

(5) Waxaa la hiigsanayaa dhawrista danaha qaranka ee ku saleysan: (a) Ilaalinta nidaamka dastuuriga ah ee kala soocnaanta awoodaha laamaha dawladda iyo isla xisaabtanka; (b) Gobonnimada, madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo idil oo ay ku jiraan berriga, badaha, jasiiradaha iyo uurkooda hoose, hawadooda sare, geyiqaaradeedkooda, dhul iyo biyogoboleed kasta si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (c) Badbaadada iyo baraaraha muwaaddiniinta Soomaaliyeed; iyo (d) Ka qaybqaadashada xasilloonida iyo amniga gobolka iyo caalamka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Amniga qaranku waa ilaalinta dalka iyo shacabka, iyadoo laga hortagayo lana maareynayo khataraha gudaha iyo dibadda ee waxyeellayn kara gobannimada, madaxabannaanida, midnimada, wadajirka dhuleed, xasilloonida siyaasadeed iyo bulsho, nabadgelyada, caafimaadka guud, dhaqaalaha, deegaanka, khayraadka muhiimka ah iyo xuquuqda dastuuriga ah ee muwaadiniinta. Sugidda amniga qaranka waa in loo maareeyaa si waafaqsan Dastuurka iyo sharciyada dalka. Hay’adaha amniga qarankana waxaa kormeeraya oo la xisaabtamaya hay’adaha rayidka ah. Marka la ilaalinayo amniga qaranka, waa in la dhowraa mabaadi’da dimuqraadiyadda, nidaamka federaalka, ku dhaqanka sharciga, xuquuqda aadanaha iyo badbaadada dadka rayidka ah. Danaha qaranka waxaa ka mid ah ilaalinta nidaamka dastuuriga ah iyo kala soocnaanta awoodaha hay’adaha dowladda, gobannimada, madaxabannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, oo ka kooban berriga, badaha, jasiiradaha, hawada iyo dhulalka kale ee uu Dastuurku aqoonsan yahay. Waxa kale oo ka mid ah badbaadada iyo baraaraha shacabka Soomaaliyeed iyo ka qaybqaadashada xasilloonida iyo amniga gobolka iyo caalamka.
English

Not available.

Questions & Comments (0)