Qodobka 138aad: Xilwaayidda Garsooraha
(1) Garsooruhu waxa uu xilkiisa ku waayi karaa sababaha soo socda oo kellya: (a) Geeri; (b) Gaarista da'da hawlgabka ee waajibka ah; (c) Xilgudusho la'aan joogta ah sababo la xiriira mid jireed ama maskaxeed oo uu caddeeyay dhakhtar takhasus u leh oo la aqoonsanyahay; (d) Aqbalidda xil kale oo dawladeed; (e) Istiqaalo qoraal ah uu u gudbiyo Golaha Sare ee Garsoorka; (f) Fal anshaxmarin uu go'aamiyo Golaha Sare ee Garsoorka si waafaqsan Dastuurka iyo xeerarka dalka; ama (g) Arrin kasta oo kale oo ku xusan Dastuurka ama xeerarka kale ee Jamhuuriyadda.
(2) Xilkaqaadista garsooruhu waxa ay ka billaaban kartaa Golaha Sare ee Garsoorka ama cabasho qof kale u soo gudbiyey golaha.
(3) Cabashada ka dhanka ah garsooraha oo loo gudbinayo Golaha Sare ee Garsoorka, waa in qaab qoraal ah lagu soo gudbiyaa, laguna caddeeyaa saldhigga xeer iyo xaqiiqda cabashada.
(4) Qiimeyn kaddib, haddii Golaha Sare Garsoorku ku qanco in asbaabta cabashadu keeni karto xilkaqaadis, waxaa la raacayaa habraaca soo socda: (a) Haddii cabashadu khuseyso Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ama Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka waa in: i. Goluhu ku oggolaadaa kuna ansixiyaa cabashada aqlabiyad saddex meelood labo meel (2/3) tirada xubnaha golaha; ii. Goluhuna u gudbiyaa cabashada ivo go'aankooda Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare muddo shan iyo toban (15) maalmood gudahood ah; iyo iii. Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu xilka uga qaadi karaa Guddoomiyaha Maxkamadda Sare iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuurka codayn qarsoodi ah oo aqlabiyad boqolkiiba konton iyo hal dheeri (50%+1) tirada guud ee xubnaha gole walba. (b) Haddii cabashadu la xiriirto garsoore aan ahayn guddoomiyeyaasha lagu sheegay xarafka (a) faqradda 4aad ee qodobkan, Golaha Sare ee Garsoorka wuxuu qaadayaa tallaabooyinkan: i. Shaqada ka joojinayaa garsooraha; lyo ii. Magacaabayaa guddi ka kooban afar (4) garsoore oo darajada maxkamad rafcaan ugu hoosayso, hal qareen oo leh khibrad aan 10 sano ka yarayn iyo labo xubnood oo aqoon durugsan u leh arrimaha maamulka, bulshada dhexdeedana sumcad fiican ku leh.
(5) Garsooraha shaqada laga joojiyey wuxuu helayaa xuquuqda uu xaqa u lahaa ilaa inta go'aan kamadamabays ah laga gaarayo.
(6) Guddigu waa in uu sida ugu dhakhso badan uguna macquulsan go'aan uga gaaraa, iyagoo raacayaa habraac ay dejisteen iyo xeerarka arrinkan khuseeya.
(7) Goluhu wuxuu ku go'aan qaadanayaa talada guddiga ama baarlamaanka isla markaana fulinayaa.
(8) Garsooraha go'aanka guddigu saameeyey wuxu muddo 15 maalmood gudahood ah cabasho u qaadan karaa Maxkamadda Sare ee Dalka.
(9) Haddii garsoorahu aanu rafcaan qaadan, go'aanka guddigu wuxu dhaqangalayaa marka muddada rafcaanka dhammaato. Haddii uu rafcaan qaato, go'aanka ugu dambeeya waxaa soo saaraya xukunka Maxkamadda Sare.
No translation available yet in English.
Plain-Language Explanation
Not available.
Questions & Comments (1)
Maxamed
· 1 week agoWaa maxey sawbta looga qaaday xilka gudoomiyaha teedakale dastuurka ama sharciga ma daxweynaha awood uma laha inuu xilka qaadee soo intuu ka qaado uu mid kale is dhaqso ugu doorankaraa aydoo habraaca sharciga lamarin
Arrintan markan eegayno waxaa muhiim ah in la xusuusto in Golaha Adeegga Garsoorka ama Golaha Sare ee Garsoorka aanay si rasmi ah u dhisnayn. Sidaas darteed, Madaxweynayaashii dalka waxay si toos ah u adeegsanayeen awoodda magacaabista iyo xil-ka-qaadista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare. - 2016: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa magacaabay Ibraahim Iidle Suleebaan. - 2018: Madaxweyne Farmaajo ayaa xilka ka qaaday Ibraahim Iidle, wuxuuna magacaabay Baashe Yuusuf Axmed. - 2026: Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xilka ka qaaday Baashe, wuxuuna mar kale magacaabay Ibraahim Iidle. Dastuurkii KMG ee 2012, Qodobka 90(j), wuxuu Madaxweynaha siinayey awoodda magacaabista Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, iyadoo ay jirtay shuruudda soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka. Haddaba, qodobka muhiimka ahi waa: Maqnaanshaha hay'adihii garsoorku wuxuu abuuray xaalad gaar ah oo Madaxweynayaasha soo marey 2012 ilaa hadda aan joogno ku khasabtay inay awoodaas fuliyaan. Sidoo kale tallaabooyinkii 2018 iyo 2026 haddii lagu qiimaynayo sharciga, waa in labadaba lagu cabbiraa Dastuurka iyo xeerarkii xilligaas jiray. Qofna kama sarreeyo sharciga xitaa Madaxweynaha dalka. Haddii maanta la leeyahay tallaabada Madaxweyne Xasan Sheekh ee 2026 waa sharci-darro, waa in isla halbeeggaas lagu qiimeeyaa tallaabadii Madaxweyne Farmaajo qaaday sanadkii 2018. Sidoo kale, haddii tallaabadii 2018 sharci ahayd, waa in la sharxo sababta tallaabada 2026 ay sharci-darro u noqonayso. Ugu dambayn, Sharciga waa inuu ka sarreeyaa qof walba, waxa maanta sharci loo arko waa in uu noqdaa halbeeg lagu cabbiraa wixii dhacay shalay.
