Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 9: GARSOORKA JAMHUURIYADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 9: THE JUDICIARY OF THE FEDERAL REPUBLIC OF SOMALIA)
Madaxa Labaad: Maxkamadaha Jamhuuriyadda Federaalka
Somali (Original)

Qodobka 131aad: Maxkamadda Dastuurka

(1) Dastuurkani wuxuu dhisayaa Maxkamadda Dastuurka oo xarunteedu magaalamadaxda dalka, kana kooban guddoomiye iyo afar (4) garsoore.

(2) Maxkamadda Dastuurka waa maxkamad madaxbannaan oo gaar ah, oo leh ikhtisaaskan: (a) Fasiraadda Dastuurka Federaalka, dastuurrada dawlad goboleedyada iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (b) Dhegeysiga iyo go'aan ka gaaridda murannada u dhaxeeya hay'adaha federaalka dhexdooda, ama hay'adaha federaalka iyo kuwo dawiad goboleedyada ama hay'adaha dawlad goboleedyada dhexdooda; ee la xiriira awoodahooda dastuuriga ah; (c) Dib-u-eegista iyo go'aan ka gaarista waafaqsanaanta dastuuriga ah ee hindise xeereedka la soojeediyay; (d) Go'aan ka gaaridda xadgudubyada xuquuqaha iyo xorriyadaha Dastuurka ee muwaaddinka; (e) Go'aan ka gaaridda dacwadaha la xiriira Dastuurka ee looga soo gudbiyey maxkamadaha kale; (f) Burinta xeerarka ama go'aannada ee aan waafaqsanayn Shareecada Islaamka ama Dastuurka; (g) Hubinta ansaxnimada hannaanka wax-kabeddelka Dastuurka, aftida dadweynaha iyo ku dhawaaqidda natiijada aftida; iyo (h) Awoodaha kale ee ku xusan Dastuurka Federaalka Soomaaliya iyo xeerarka kale ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

(3) Maxkamadda Dastuurka ayaa awood u leh go'aan ka gaarista taariikhda ay ka billaaban karto hirgelinta go'aanka burinta marka lagu dhawaaqayo in uu xeer yahay waxba kama jiraan, iyadoo la tixgelinayo saameynta ay ku leedahay: (a) Taariikhda uu xeerkaasu noqonayo wax kama jiraan; (b) Dadka daneynaya; (c) Guud ahaan danaha bulsho; iyo (d) Danaha qofka xeerkaas lagu xukumay haddii uu yahay xeer dembiyeed.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Maxkamadda Dastuurku waa maxkamad madaxabannaan oo gaar ah, xarunteeduna tahay caasimadda dalka. Waxay ka kooban tahay Guddoomiye iyo afar garsoore. Shaqadeeda ugu weyn waa fasiraadda Dastuurka Federaalka, dastuurrada dowlad-goboleedyada iyo shuruucda dalka, iyo xallinta khilaafaadka u dhexeeya hay’adaha dowladda ee ku saabsan awoodahooda dastuuriga ah. Waxay sidoo kale hubisaa in hindise-sharciyeedyadu waafaqsan yihiin Dastuurka, go’aan ka gaartaa xadgudubyada xuquuqaha iyo xorriyadaha dastuuriga ah, waxayna dhageysataa dacwadaha dastuuriga ah ee maxkamadaha kale u soo gudbiyaan. Maxkamaddu waxay burin kartaa sharciyo ama go’aanno ka hor imanaya Shareecada Islaamka ama Dastuurka. Waxay sidoo kale hubisaa in wax-ka-beddelka Dastuurka iyo aftida dadweynuhu u dhacaan si sharci ah, isla markaana ay ku dhawaaqdo natiijada aftida. Marka ay go’aamiso in sharci aanu waafaqsanayn Dastuurka, waxay go’aamin kartaa taariikhda uu burintu dhaqan gelayo, iyadoo tixgelinaysa saamaynta ay ku yeelanayso dadka ay khusayso, danaha guud ee bulshada iyo xuquuqda qofka lagu xukumay sharci ciqaabeed.
English

Not available.

Questions & Comments (0)