Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 8: XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 8: THE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 119aad: Waajibaadka Golaha Wasiirrada

Golaha wasiirradu waxay leeyihiin awoodaha iyo waajibaadyada soo socda:

(1) Dejinta iyo hirgelinta siyaasadda guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyaga oo ku shaqaynaya aragtida iyo jiheynta Madaxweynaha;

(2) Diyaarinta hindise xeereed, miisaaniyad sanadeedka iyo xisaabxirkeeda ee loo gudbinayo Baarlamaaanka Federaalka;

(3) Dejinta iyo hirgelinta xeernidaamiyeyaasha si waafaqsan xeerarka dalka;

(4) Magacaabista maareeyayaasha iyo agaasimeyaasha guud kaddib soojeedinta wasiirka ay khuseyso; iyadoo la raacayo habraacyada ku xusan xeerarka dalka;

(5) Soojeedinta magacaabista iyo xilkaqaadista, xilalka soo socda, si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka iyo xeerarka Dawladda Federaalka Soomaaliya: (a) Danjireyaasha iyo qunsuliyadaha guud; (b) Taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka; Ciidanka Booliiska; Ciidanka Asluubta iyo Agaasimaha Hay'adda Sirdoonka İyo Nabadsugidda Qaranka; (c) Guddiyada iyo hay'adaha madaxabannaan; iyo (d) Xilalka kale ee lagu xeeriyay Dastuurka İyo xeerarka dalka.

(6) Wadaxaajoodyada heshiisyada caalamiga ah iyo horgeyntooda Baarlamaanka Federaalka si waafaqsan habraaca ku xusan Dastuurka;

(7) Hirgelinta xeerarka Dawladda Federaalka Soomaaliya;

(8) Soojeedinta ku dhawaaqid xaalad degdeg ah ama mid dagaal si waafaqsan habraaca ku xusan Qodobbada 187aad iyo 188aad ee Dastuurka; iyo

(9) Qabashada hawlaha kale oo uu u xilsaaray Dastuurku ama xeerarka kale ee Dawladda Federaalka.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Golaha Wasiirradu wuxuu mas’uul ka yahay dejinta iyo fulinta siyaasadda guud ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, isagoo raacaya aragtida iyo jiheynta Madaxweynaha. Wuxuu diyaariyaa hindise-sharciyeedyada, miisaaniyadda sannadlaha ah iyo xisaab-xirka miisaaniyadda, ka dibna wuxuu u gudbiyaa Baarlamaanka Federaalka. Waxa kale oo uu dejiyaa xeer-nidaamiyeyaasha lagu fulinayo sharciyada dalka. Golaha Wasiirradu wuxuu magacaabaa maareeyayaasha iyo agaasimayaasha guud, isagoo raacaya soo-jeedinta wasiirka ay khusayso iyo habraacyada sharciga. Wuxuu sidoo kale soo jeediyaa magacaabista ama xilka qaadista danjireyaasha, qunsullada guud, taliyeyaasha Ciidanka Xoogga Dalka, Booliiska iyo Asluubta, Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, madaxda guddiyada iyo hay’adaha madaxabannaan, iyo xilalka kale ee Dastuurka iyo shuruucdu qeexaan. Waxa kale oo uu ka wada xaajoodaa heshiisyada caalamiga ah, una gudbiyaa Baarlamaanka Federaalka si loo ansixiyo iyadoo la raacayo habraaca Dastuurka. Wuxuu mas’uul ka yahay fulinta sharciyada Dowladda Federaalka. Haddii ay jiraan duruufo u baahan xaalad degdeg ah ama xaalad dagaal, Golaha Wasiirradu wuxuu soo jeedin karaa ku dhawaaqisteeda, isagoo raacaya habraacyada ku xusan Qodobbada 187aad iyo 188aad ee Dastuurka. Waxa intaas dheer, wuxuu gudanayaa hawlaha kale ee Dastuurka iyo shuruucda Dowladda Federaalka u xilsaaran.
English

Not available.

Questions & Comments (0)