Dastuurka JFS (A Citizen’s Initiative)
Home Constitution Blog Authors
CUTUBKA 8: XUKUUMADDA FEDERAALKA SOOMAALIYA
(CHAPTER 8: THE FEDERAL GOVERNMENT OF SOMALIA)
Somali (Original)

Qodobka 117aad: Shuruudaha Xubinnimada Golaha Wasiirrada

(1) Waxaa xilka Ra'iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya loo magacaabi karaa muwaaddin kasta oo buuxiyay shuruudaha soo socda: (a) Inuu yahay muwaaddin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo muslim ah; (b) In da'diisu aanay ka yarayn afartan (40) sano; (c) In aqoontiisu ay gaarsiisantahay ugu yaraan heer jaamacadeed, uuna leeyahay aqoon maamul iyo waaya-aragnimo hoggaamineed oo aan ka yarayn 10 sano; (d) In labadiisa waalid ay yihiin muwaaddiniin Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya; (e) In uusan qabin xaas ajnabi ah; (f) In lagu yaqaanno dhaqan suubban bulshada dhexdeedda; (g) Inuu si joogto ah u deggenaa dhulka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu yaraan saddex sano; (h) Inuu dhimirkiisu dhanyahay, horayna aan dhakhtar si rasmi ah ugu caddayn xanuun dhimirka ah; (i) In uusan haysan jinsiyad dal kale ama uu ka tanaasulo kaddib magacaabistlisa; iyo (j) In uu caddeeyo hantida uu leeyahay uguna gudbiyo hab qoraal ah Xafiiska Hantidhowraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ka hor kalsoonisiinta Golaha Shacabka.

(2) Xubnaha kale ee golaha wasiirrada waxaa loo magacaabi karaa muwaaddin kasta oo buuxiyey shuruudaha ku xusan faqradda 1aad ee qodobkan, marka laga reebo shuruudaha ku xusan xarafka (b) oo noqonaysa soddon (30) sano; xarafka (c) oo noqonaysa shan (5) sano; (e) iyo (i).

(3) Xubnaha golaha wasiirrada muddada ay xilka hayaan, waxaa ka reebban: (a) In ay qabtaan xilal kale ee dawladeed ama mas'uuliyad kale ee heerarka kala duwan ee dawladda; (b) In ay ku shaqeeyaan xirfad gaar ah ama hawlo ganacsi gaar ah, mid maaliyadeed ama hawlo warshadeed; iyo (c) Inuu iibsado ama ijaarto hanti dawladeed, ama uu hantidiisa ka gado ama ka ijaaro dawladda.

English

No translation available yet in English.

Plain-Language Explanation

Somali
Qofka loo magacaabayo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waa inuu yahay muwaaddin Soomaaliyeed oo Muslim ah, da’diisuna aanay ka yarayn 40 sano. Waa inuu leeyahay aqoon jaamacadeed, aqoon maamul iyo waayo-aragnimo hoggaamineed oo aan ka yarayn 10 sano. Labadiisa waalid waa inay yihiin muwaadiniin Soomaaliyeed, waana inuusan qabin xaas ajnabi ah. Sidoo kale, waa in lagu yaqaan dhaqan suubban, uu Soomaaliya si joogto ah ugu noolaa ugu yaraan saddex sano, dhimirkiisuna dhammaystiran yahay oo aanu dhakhtar si rasmi ah ugu xaqiijin xanuun dhimirka ah. Musharraxa Ra’iisul Wasaaruhu waa inuusan haysan jinsiyad dal kale, ama waa inuu ka tanaasulaa jinsiyaddaas kaddib magacaabistiisa. Sidoo kale, waa inuu hantidiisa qoraal ku caddeeyo una gudbiyaa Xafiiska Hantidhowrka Guud ka hor inta aanu Golaha Shacabku siin codka kalsoonida. Xubnaha kale ee Golaha Wasiirrada waa inay buuxiyaan shuruudahaas, marka laga reebo in da’doodu noqon karto ugu yaraan 30 sano, waayo-aragnimadooda maamul iyo hoggaamineedna ay noqon karto ugu yaraan shan sano. Shuruudaha ku saabsan inaan la qabin xaas ajnabi ah iyo inaan la haysan jinsiyad dal kale ma khuseeyaan xubnaha kale ee Golaha Wasiirrada. Inta ay xilka hayaan, xubnaha Golaha Wasiirradu ma qaban karaan xilal kale oo dowladeed ama mas’uuliyado kale oo heerarka kala duwan ee dowladda ah. Sidoo kale, ma qaban karaan xirfado gaar ah ama hawlo ganacsi, maaliyadeed ama warshadeed oo gaar loo leeyahay. Waxaa kale oo ka mamnuuc ah inay iibsadaan ama kiraystaan hanti dowladeed, ama ay hantidooda ka iibiyaan ama ka kiraystaan dowladda.
English

Not available.

Questions & Comments (0)